Ciidamada AMISOM oo duqeyn u geystay deegaan ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda Soomaaliya

Ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM ayaa duqeyn u geystay deegaan ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda Soomaaliya ee gobolka shabeellada Hoose.

Guddoomiyaha deegaanka Shalan-bood Nuur Cismaan Raagge ayaa sheegay in Ciidanka AMISOM ay madaafiic ku garaaceen xaafado ka tirsan deegaankaas oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaa uu sheegay in xalay Ciidamada AMISOM ay duqeeyeen xaafado shacab degan yihiin, kaddib markii qarax miino lala eegtay kolonyo ay wateen.

Sidoo kale Guddoomiyaha oo wareysi siiyay idaacada Kulmiye ayaa sheegay in aanay ogeyn khasaaraha ka dhashay madaafiicdaas, balse saaka ay ku bixi doonaan xaafadihii madaafiicda ku dhacday, si ay u soo qiimeeyaan.

Magaalada Shalanbood ayaa ka mid ah deegaanada ay gacanta ciidamada dowladda ku jirto, isla markaana ay duleedka deegaankaas ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada AMISOM.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email