Boosaaso oo lagu qabtay Xubno looga shakiyay Al-Shabaab iyo Daacish

Laamaha amniga Puntland ee magaalada Boosaaso ayaa xabsiga dhigay Saddex qof oo looga shakiyay inay xubno ka yihiin Kooxaha Shabaab iyo Daacish.

Saraakiil ka tirsan hay’adaha Amniga ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay saddex ruux oo looga shakisanyahay kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab, kuwaasoo lagu qabtay hawlgal ciidanku ka fuliyeen Boosaaso.

Saraakiisha ayaa sheegaya in baaritaan lagu wado saddexdaasi xubnood ee lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxaha Argagixisada ah.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Laamaha Amniga magaalada Boosaaso ay fashiliyeen weerar ay soo qaadeen dableey hubaysan oo ka tirsana Daacish, kuwaas oo midkood ciidanku toogasho ku dileen, halka kii kale oo sarkaal sare ahaana dhaawac lagu qabtay.

Hawlgalkaas ayaa sidoo kale lagu qabtay gaari miinaysan oo ay wateen dableyda, kaasoo laga soo buuxiyay hub iyo qaraxyo la doonayay in laga fuliyo gudaha Boosaas.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email