Madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya to meel fagaaro ka soo muuqday muddo kadib

Ka gadaal 2 Todobaad oo la la’aa , Kim Jong-Un waxauu xarigga ka jaray warshadda sameysa qalabka bac-riminta ee beeraha.

Hogaamiyaha aan la loodin Karin ee Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa dib indhaha caalamka uga soo muuqday markii ugu horreeysay muddo ka badan 2 toddobaad, sida ay soo tabisay warbaahinta qaranka ee dalkaasi.

Wakaaladda wararka ee KCNA ayaa sheegeysa in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu xarigga ka jaray warshadda sameysa qalabka bac-riminta ee beeraha.

Ka soo muuqashadiisaan fagaaraha ayaa ah tii ugu horreysay tan iyo 12-kii April waxayna taasi sababtay in dunida la isla dhexmaro warar ku saabsanaa in xaaladdiisu caafimaad aysan wanaagsanayn.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in dadkii ku sugnaa warshadda ay aad u farxeen markii ay arkeen hogaamiyahooda Kim Jon Un.

Maqnaanshaha hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa soo if baxday ka gadaal markii uu ka baaqsaday ka qeybgalka munaasabad sannad walba lagu maamuuso sanad guuradii kasoo wareegatay dhalashada awoowgii oo ku beegneyd 15-kii April, taas uusan waligiis ka baaqanin munaasabadda ayaa waxaa caalamka ku abuurmay shaki ah in ay iska muuqatay inuusan si sahlan u go’aansan karin inuu ka qeyb gali waayo xuskaaasi- wayn.

Kuuriyada Waqooyi oo ah dal ay adag tahay in laga helo xog ku saabsan madaxda sare ee dalkaas ayaa lama helaan noqotay in la xaqiijiyo xaaladda caafimmaad ee Kim, iyadoo durba jaraa’idyada caalamka ay isla dhexqaadeyn in hogaamiyaha dalkaas uu galay qalliin dhanka wadnaha ah. Halka dhanka kale ay jireyn warar hoose oo iyana sheegayay in wiilka kaligii taliska ah ee Kuuriyada Waqooyi uu nool yahay.

Ma ahan markii ugu horeysay ee la waayo hogaamiyaan balse bartamihii sanadii 2014-kii, ayaa sidaan oo kale Kim Jong-un la waayay muddo 40 cisho ah, waxayna taas keentay in wax la iska weydiiyo halka uu ku sugan yahay.Sidoo kale xilligaas waxaa soo baxay warar kale oo sheegayay in la afgembiyay Haseyeeshee, maalmo kaddib waxaa uu kasoo muuqday warbaahinta dalkaas iyo indhaha caalamka.