Axmed Modoobe oo diyaar u ah la heshiinta iyo qancinta cidkasto oo khilaaf kala dhaxeeyo

Madaxwaynaha dawlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe oo xalay soo xiray shir dib u heshiisiin ah oo ka furmay magaalada Kismaayo ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay madasha.

Madaxwaynaha dawlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu xalliyo dhammaan cabashooyinka ay qabaan shacabka iyo xubnaha mucaaradka ku ah maamulkiisa, uuna la fariisan doono.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in Jubbaland ay heshiis ku aasaasantay mar walbana ay ku socon doonto raali ahaanshaha iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Isaga oo sii hadlaayay ayaa waxaa uu intaas ku daray in cid walba oo wax tabanaysa ugu baaqay in ay ka soo qayb gasho shirka dib u heshiisiinta Jubbaland ee xalay ka furmay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Ugu dambayn Madaxwaynaha Jubbaland ayaa Madaxda xukuumadda federaalka dalka ugu baaqay in ay taageeraan shacabka ay hogaanka u yihiin ee heshiiska qaatay ayna taageeraan hanaanka dawladeed ee Jubbaland.

Wuxuu Axmed Madoobe khudbadiisa ku soo xiray baaq uu u diray ummada Soomaaliyeed oo ah in ay ku dadaalaan tallaabooyinka lagaga hor tagayo xanuunka saf marka ah ee COVID-19 ee sida xawliga leh ku faafaya.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email