Askar qeyb ka ah Ciidanka Puntland oo la goostay hubkooda

Askar ka tirsan Ciidanka daraawiishta Puntland oo saldhigooda ahaa deegaanka Af-Urur ee Buuraleyda Galgala ayaa ka baxsaday saldhigii ay ku sugnaayeen, iyagoo la goostay hubkooda.

Askartaan oo aan tiradooda la shaacin ayaa la goostay hub u badnaa qoriga AK47 iyo rasaas.

ilo ku sugan deegaanka ayaa sheegaya in askartan oo ka mid ah Ciidan dhowaan tababar loogu soo xiray Xerada Xorgoble ee magaalada Qardho, waxaana kadib la geeyay deegaanka Af Urur.

Wararka ayaa sheegaya in ciidankaas habeen ka hor ay baxsadeen, isla markaana la goosteen dhammaan hubkii ay wateen oo u badnaa qoriga AK47 iyo rasaas.

Askartaan goosatay ayaa tiradooda la shaacin balse waxaa la sheegay inay u baxsadeen dhanka Gobolka Sanaag, waxaana qorshahooda yahay inay iibsadaan hubka iyo rasaasta wataan.

Taliyaha Ciidanka daraawiishta Puntland Jen. Yaasiin Cumar Dheere ayaa amar ku bixiyay in askartaas si deg deg ah loo soo qabto, isla markaana sharciga loo horkeeno, isagoo ku sugan magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag.

iyadoo mudooyinkii dambe ee aad u yiraayen askarta ka goosaneysay Puntland ayaa haddana wax war ah oo ka soo baxin maamulka Puntland ee la xariira goosashada ciidamadaan marka laga reebo taliyada ciidanka daraawiishta oo amar ku baxay in la soo qabto askarta goosatay.