Degdeg: Askar qeyb ka ah ciidamada AMISOM oo laga helay xanuunka Coronavirus

9 askari oo qeyb ka ah Ciidanka AMISOM ayaa la geliyay xaalad karantiil am Fayo-sooc ah.

Ka gadaal markii askari qeyb ka ahaa ciidamada nabad ilaalida u jooga gudaha Soomaaliya ee AMISOM la helay ayaa xanuunka faafida og’ ee Coronavirus ayaa waxaa jiray walaac xoogan oo ah in ayu macquul tahay in ay jiri karaan askar kale oo qabta xanuunkaan maadaama xanuunku oo aad u faafo sida la ogyahay.

9 askari oo ka tirsan Ciidanka AMISOM ayaa la geliyay xaalad karantiil ah, kaddib markii la ogaaday inay xiriir la sameeyeen mid ka mid ah asxaabtooda oo laga helay Coronavirus.

Askartan oo u dhashay dalka Uganda ayaa meel gaar ah la geeyay, si xaaladooda loo ogaado, iyadoo baaritaan ku aadan Covid-19 laga qaaday, waxaana la sugayaa natiijadooda.

Arbacadii la soo dhaafay ayaa la xaqiijiyay in askarigii u horreeyay oo ka tirsan AMISOM laga helay Coronavirus, kaasoo ka mid ahaa Ciidamada ka socda Uganda ee saldhigooda yahay Dekeda Muqdisho.

Askariga laga helay Covid-19 ayaa la sheegay in xaaladiisa lala tacaalayo oo lagu daaweynayo goob loogu tala galay dadka qaba Coronavirus.

Baryihii dambe ayaa waxaa soo if baxay walaac ku aadan in Ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha Soomaaliya inuu ku faafi karo xanuunkaan aduunka faraha ba’an ku haayo ee Coronavirus, hase ahaatee Taliska AMISOM ayaa sheegay inay qaadeen tallaabooyin looga hortagayo cudurkaas, isla markaana xeryaha ciidamada la dhigay faraxalo iyo agabyo loogu tala galay in lagaga hortago cudurkan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email