Khubaro Mareykan ah oo shaaciyay in ay heleen daawo ka hor tageysa COVID-19

Koox Saynisyahanno oo ka tirsan shirkadda Cilmiga ah ee bayoolajiga Mareykanka taa oo fadhigeeda yahay California ayaa ku dhawaaqay in ay heleen daawo loga hortigi karo Cudurka Corona Virus.

Dawada ‘STI-1499 antibody’ ayaa la ogaaday in ay joojinkarto in jirka bani-aadamka uu ku uu ku faafo xanuunka COVID-19.

Madaxda sare ee Shirkadan ay sheegay in dawada loo yaqaan ‘STI-1499 antibody’ ay ogadeen in ay joojinkarto in uu ku faafo jirka bani aadamka xanuunka Corona Virus tijaabooyin la sameeyay kadib.

War-saxaafadeed kasoo baxay Shirkadda Cilmiga bayoolajiga Sorrento waxaa lagu  sheegay in ay soo saari karaan illaa 200,000 bilwaliba, balse ay u baahan tahay ogolaanshaha deg deg ah ee ka yimaada dowladda Mareykanka gaar ahaan Maamulka waaxda Cuntada iyo Dawooyinka ee Mareykanka (FDA).

Shirkadda Sorrento ayaa sheegtay in ay rumeysan tahay in wax weyn ay ka tari karto daawadaan  SARS-CoV-2, oo ah Virus horseedi karo inuu si fudud u faafo xanuunka COVID-19.

Shirkadda ayaa ka warbixisay baaritaankeedii iyada oo ku dhawaaqday in ay heshay Daawo 100% ka hortagi karto SARS-CoV-2.

War saxafadeedkan oo jimcihii shalay  ka soo baxay Shirkadda Sorrento ayaa lagu sheegay in Shirkadda ay rumeysan tahay in Daawadan loogu magac daray STI-1499 ay tahay midda uga haboon ee lagula dagaalami karo xanuunkan halista ah ee Corona Virus.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email