Dalka Yemen oo Kiiskii Ugu Horreeyey ee Cusurka Coronavirus Laga Helay

Dalka Yemen oo uu Gaaray Cudurka Coronavirus

Dowlada Yemen ayaa shaacisay in qofkii ugu horeeyay ee qaba cudurka Coronavirus laga helay koofurta dalka Yemen oo sanadihii la soo dhaafay dagaalo sokeeye ay saameyn ku yeesheen.

Guddi u qaabilsan kahortagga cudurka Coronaviruska dalka Yemen ayaa xaqiijiyay in muwaadin Yemeni ah laga helay cudurkan.

“Bukaanka waxaa la geeyay goob karantiil ah waxaana la raadineynaa dadkii uu la macaamilay.”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan caafimaadka ee WHO.

Gobolka uu ku nool yahay qofkan laga helay Covid-19 ee Hadramuut ayaa waxaa saameyn xoog leh ku yeeshay macluul iyo cuduro ka dhashay dagaalada sokeeye.

Dad gaaraya 134,000 oo ruux ayaa la xaqiijiyay inuu soo ritey cudurkan dalalka ku yaal Bariga Dhexe waxaana u geeriyooday 5,300 iyadoo afar kun oo kamid ahna ay ku geeriyoodeen dalka Iran

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email