
Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya NISA ayaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya u gudbisay baarista gal dacwadeedka ka dhanka ah wariye Haaruun Macruuf oo ah qof xushmad iyo qadarin loo haayo.
Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Twitter-ka ay hay’adda NISA ayaa lagu xaqiijiyey in gal dacwadeedka Haaruun lagu wareeijey xafiiska Xeer Ilaaliya Qaranka Soomaaliya.

NISA ayaa April 2.2020 qoraal ay barteeda Twitterka ku soo daabacday waxay ku eedeysay Harun Macruuf inuu leeyahay xiriiro khatar ku ah amniha Qaranka Soomaaliya, kuna kacay falal ka baxsan anshaxa warbaahinta.

NISA illaa iyo hadda ma faahfaahin cidda uu la leeyahay xiriirka “khatarta” ku ah aminga soomaaliya iyo ficillada ka baxsan “anshaxa” warbaahinta.
Eedeynta illaa iyo hadda la sheegin waxay tahay ayaa sababtay facilin badan oo ka timid guud ahaan dadka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta. Dad badan ayaa u micneeyey caburrin iyo cago jugleyn lagu sameynayo wariyaasha iyo cidaacada madax bannaan.
Waiye Haaruun illaa hadda si toos ah ugama hadal arrintaan lagu eedeeyey.