Webiga Jubba oo ku fatahay Baardheere iyo qasaare ka dhashay

Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ayaa sheegaya in wabiga Jubba ee mara degmadaasi uu xalay iyo saaka ku fatahay halkaasi, isla markaana uu geystay khasaarooyin kala duwan oo soo gaaray, dadka, Beeraha iyo Xoolaha.

Daadaku waxa ay la tageen dhammaan wixii dalag ahaa ee u baxaayey beeraleyda, waxaana lagu qiyaasay Beeraha ay waxyeeleeyeen daadadka ilaa 2270 beerood sidaas waxaa sheegay Maxamed C/raxiin Matow oo ah gudoomiyaha iskaashatada beeraleyda jubba ee Baardheere.

Waxaana guryahooda ka barakacay dad lagu qiyaasey ilaa 397 qoys oo ku nolaa hareeraha webiga

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email