Wasiirka Maaliya Puntland oo shaaciyay in maamulkooda ay soo gaartay 1M oo dollar ka timid dowladda Federaalka

‘Waxaa ina soo gaartay lacag gaareysa 1M oo dollar oo ka timid dowladda Federaalka.’- Xasan Shire Abgaal

Xasan Shire Abgaal oo ah Wasiirka Maaliyadda Puntland kana tirsan Guddiga Gurmadka daadadkii ku fatahay Qardho ayaa sheegay inay soo gaartay lacag gaareysa hal milyan oo dollar oo ka timid dowladda Federaalka.

Lacagtan ayaa loogu tala galay gurmadka dhibaatadii ka dhalatay daadadkii labo maalin ka hor ku fatahay magaalada Qardho ee sababay khasaaraha naf iyo maalba isugu jira.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa Guddi u magacawday gurmadka daadadka ku fatahay Qardho ee dhibaatada baaxada leh geystay, waxaana gudigaas oo durba dardar geliyay lacagta halka milyan ee loogu tala galay in gurmadka in wax loogu qabto dadkii dhibaatooyinka soo gaaray.

Magaalada Qardho ayaa waxaa ka socda gurmad ballaaran, waxaana gaaray deeq raashin ah iyo bustayaal loogu tala galay dadka ay saameeyeen daadadka ku fatahay magaalada ee guryahooda ku burburay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email