Wasaaradda Warfaafinta oo Shaacisay Sababta uu Xiranyahay Wariye Maxamed Cabdiwahaab (Abuuja)

Wariye Maxamed Cabduwahaab Abuuja

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxaa ay ka hadashay Xariga Wariye u xiran Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya iyo sababta loo xiray.

Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo saartay xariga wariye Maxamed Cabduwahaab Abuuja oo muddo 45 maalmood u xiran Hey’addaha Amniga, kaasoo ku eedeysan inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab.

War saxaafadeed Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Wariye Abuuja loo heysto inuu qeyb ka ahaa fal dil ah oo loo geystay Haweeney lagu magacaabo Baxsaneey Booleey, oo la dilay sanadkii hore 2019.

Hey’addaha amniga ayaa la sheegay i  gal dacwadeedkisa u gudbinayaan hey’adaha Garsoorka ee shaqasa ku leh.

Bil ka hor ayaa Ciidamada NISA ay xireen wariye Maxamed Abduwahab Abuuja oo ka tirsan Idaacadda Hiigsi ee magaalada Muqdisho.

Ururada Saxaafadda ayaa dhowaan dalbaday in la sii daayo wariyahan, waxaana su’aalo ka dhashay mudasa 45 cisho uu xiran yahay oo aan wax Maxkamad ka horkeenin.

Wariye Maxamed  Cabdi Wahaab Nuur Abuuja oo horay uga soo Shaqeeysy Warbaahino kala duwan ayaa haatan ahaa Tifaftiraha Idaacadda Hiisgi,waxaana maalmahaan Ururada Saxaafadda iyo Wariyeyaasha Muqdisho ay wadeen olole ay ku dalbanayeen in la siidaayo.

Halkaan Hoose Ka Aqriso War-saxaafadeedka Wasaaradda

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email