Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo ka Hadashay Warqad Muran iyo Dood Dhalisay

Dhismaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa War-saxaafadeed ay soo saartay  kaga  jawaabtay  dacaayad maalmihii la soo dhaafay lagu baahiyay baraha bulshada, taas oo gaf loogu geystay Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed  Cabdi Xayir Maareeye iyo guud ahaan Wasaaradda Warfaafinta Soomaaaliya.

Dhacdadaan ayaa sababtay in xilka laga qaado Tafatirihii Taleefishinka qaranka Feysal Muuse warqad ka soo baxday xafiiska Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al Cadaalla, ayaa lagu sheekay in uu Tfatiraha ka dambeeyay soo saarita warqadii buuqa dhalisay ee lagu dalbanayay shaqaaleysiinta gabdho la rabay in ay ka shaqeeyaan Taleefishinka qaranka.

Dhanka kale, Tafatiraha xilka laga qaaday ayaa bartiisa gaarka ah ee Facebook ku shaaciyey in uu iska casilay xilka kadib is-fahamwaa dhanka shaqada ah oo soo kala dhexgalay isaga iyo agaasimaha Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya isla maalinimadii Isniinta ee shalay aheyd.

Tafatiraha ayaa qoraalkiisa ku beeniyey wararka ku aadan in uu sameeyey qiraal kusaabsan mas’uuliyadda xayeysiiska sida ku xusan qoraalka Agaasimaha guud ee wasaarada Warfaafinta Soomaaliya.

War-saxaafadeedkii ka soo baxay Wasaaradda waxa uu u qornaa sidatan:

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email