Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Ka War Bixisay Xaaladihii Ugu Dambeeysay COVID-19

Marwo Fowziya Abiikar Nuur, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya.

Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay inay geeriyoodeen 2 qof oo kamid ahaa bukaannadii laga helay cudurka COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay la diiwaan geliyay 48 xaalado cusub oo COVID-19 ah, ayna bogsoodeen 5 ruux oo kamid ah dadkii horay looga helay xanuunka.

41 kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 4 waxaa laga helay deegaannada dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, 3 ruux oo kalena waxaa laga diiwaan geliyay dowlad gobaleedka Jubaland. 31 kamid ah Bukaannada cusub waa rag, waxaana dumar ah 17-ka xaaladood oo kale.

Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay waxey noqdeen 528, waxaa ka bogsooday 19 ruux, waxaana guud ahaan dalka ugu geeriyooday 28.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email