Wasaaradda Caafimaadka DFS ayaa sheegtay shaqsi horleh laga helay Coronavirus Coronavirus

Qof cusub oo aan dalka ka bixin oo laga helay cudurka Coronavirus

Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qof cusub laga helay cudurka Coronavirus, iyadoo tirada guud ee dadka laga helay cudurkan ay gaartay 8 ruux.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in qofka laga helay uu yahay Muwaadin Soomaaliyeed oo aan dalka ka bixin.

“Waxaa soo kordhay xaaladii 8aad oo xanuunka COVID-19 lagu xaqiijiyay. Waa Muwaadin Soomaaliyeed oo Lab ah, da’diisuna tahay 58 sano, wuxuuna deegaan ku yahay Muqdisho, safar kuma imaan”ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in 8-da qof ee laga helay cudurkan uu mid ka mid ah ka bogsaday.

Dowladda Federaalka ayaa diyaarisay goobo loogu tala galay in lagu karantiilo dadka qaba cudurka Coronavirus.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email