Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Soomaliya oo Go’aanno Ku Soo Rogtay Masaajidda Dalka

Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta Soomaaliya ayaa soo saaray go’aanno la xiriira Coronavirus. Oo ku socda masaajidda ku yaalla dalka.

Warsaxaafadeed oo ka soo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta ayaa lagu sheegay in ka gadaal uu soo baxay ay wasaaradda la qaadatay culumada Soomaaliyeed kaas oo dhacay bartimihii bishaan aynu ku guda jirno ee April.

Warsaxafadeedkaan ayaa ku soo beegmaya xilli maalmaha soo aadan la filayo bisha barakeysan ee Ramadaan taas oo bulshada Soomaaliyeed si weyn ah u camiraan masaajidada si ay u gutaan waajibka alle

Go’aanada wasaaradda ay ku soo rogtay masaajidadda oo ka kooban 24 qodob ayaa iskugu jira go’aano, talooyin iyo codsiyo laga doonaayo masaajidda in ay door muuqda ka qaataan ka hortaga cudurka faafida og’ ee Caronavirus.

Halkaan hoose ka akhriso

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email