
Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ee dowladda Federaalka ayaa maanta soo saartay go’aamo khuseeya masaajidada dalka, go’aanadaasi oo wax lagaga qabanayo ka hortega cudurka Covid-10.
Wasaaradu waxay ogolaatay in Salaadaha lagu oogo masaajidada hase yeeshee waxay soo saartay shuruudo la doonayo inay raacaan immaamyada iyo dadka ku tukanaya Masaajidada.


