Wariye ka Howl Goobjoob Media oo Muqdisho Lagu Xiray

Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ka howl galo Goobjoog Media.

Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah Agaasime kuxigeenka Warbaahinta Goobjoog ayaa goor dhow lagu xiray magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen Maamulka Warbaahinta Goobjoog.

Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa looga yeeray saldhiga Booliska Degmada Hodan, halkaasoo markii dambe lagu xiray.

Agaasimaha Goobjoog Xasan Maxamed Maxamuud  ayaa sheegay in xariga Wariye C/casiis Gurbiye uu meel ku dhac ku ah xoriyatul qowlka iyo madax bannaanida warbaahinta.

Lama oga sababta loo xiray, mana aysan sheegin warbaahinta, hase ahaatee xarigiisa ayaa la sheegay inay ka dambeyso Madaxtooyada Villa Somalia, kaddib markii shalay uu qoray war sheegaya in mid ka mid ah qalabkii Oksijiinka uu qaatay Madaxweynaha, isla markaana Isbitaalka Martiini oo la dhigo Bukaannada qaba Coronavirus aanan oolin wax Oksijiin.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka degmada Hodan oo ku aadan xariga wariye C/casiis Gurbiye oo ka mid ah wariyeyaasha ugu firfircoon Muqdisho, kuna caan baxay wararka dabagalka ah.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email