Wariye Cabdicasiis Gurbiye oo Xabsiga laga Siidaayey

Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah Agaasime kuxigeenka Warbaahinta Goobjooga ayaa shalay dib xorriyadiisa loo siiyay laguna sii daayay si damaano ah, ka gadaal afar cisho oo u xirnaa Booliska Soomaaliya.

Dadaalo maalmihii u dambeeyay socday oo ku aadanaa sidii loo sii deyn lahaa, ayaa maanta la ogolaaday in damiin lagu sii daayo, waxaana horay u jirtay in Maxkamadda Gobolka Banaadir ay diiday in damiin lagu sii daayo.

C/casiis Gurbiye ayaa la sheegay in xariggiisa ay ka dambeysay madaxtooyada, inkastoo Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada uu iska fogeeyay in Madaxtooyada ka dambeyso xariggaas, ayna jirin wax dacwad ah oo ay ka gudbisay.

Hase ahaatee, qodobada eedeymaha ee xeer ilaalinta u soo jeedisay waxaa ka mid ahaa inuu meel uga dhacay sharafta Madaxweynaha.

C/casiis Gurbiye ayaa qoraal uu bartiisa Facebook ku qoray ku sheegay in Madaxweynaha uu qaatay qalabkii Oksijiinka ee yaallay Isbitaal Martiina, waana arrinta ugu weyn ee loo maleenayo in sababtay xiritaankiisa.

Warka ku saabsan in laga qaaday Isbitaalka Martiina qalabka Oksijiinka iyo in la geeyay Isbitaalka Madaxtooyada ayaa noqday mid aad isku soo tarayay, ka gadaal xiritaanka wariyaha waxaana ilo xog-ogaal ah ay xaqiijiyeen jiritaanka warkaas ee uu wariyaha soo hadal qaaday markii ugu horeysay bartiisa gaarka ah ee Facebook gana uu ku daabacay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email