Warbixin: Tirada uu ku Dhacay Cudurka Coronavirus ee Soomaaliya oo Gaartay 21 qof

Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, oo ayaa warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee cudurka Coronavirus ee dalka.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale xaqiijisay in baaritaan la sameeyay lagu caddeeyay in cudurka Corona uu soo ritay 4 qof ku nool magaalada Muqdisho, taas oo 25 ruux ka dhigaysa tirada guud ee dadka cudurku ku heleelay gudaha dalka.

Wasaaradda Caafimaadku waxay ugu baaqday dadka inay guryahooda joogaan hadii aysan jirin arrimo muhiim u ah nolosha, dadkuna kala fogaadaan ugu yaraan laba mitir, taxadar gaar ahna la siiyo dadka da’da ah iyo dadka cudurada daba dheeraada qaba.

Dhinaca kale, Wasiir Fowsiya Abiikar Nuur waxay sheegtay in laba kamid ah bukaannada COVID-19 ee lagu baxnaaninayo Isbitaal De-Martini ay xaaladdoodu darantahay ayna u baahanyihiin daryeel dheeraad ah.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur  waxay ku celisay in Xanuunku si aayar ah ugu faafayo bulshada dhexdeeda, lagana helay dad dhawaanahaan aan safrin, xiriirna aan la sameyn qaar ka mid ah dadka la xaqiijiyay in cudurka laga helay sidaa darteed ay muhiim tahay in la raacao fariimaha iyo talooyinka caafimad ee ay kamidka yihiin in guryaha  la joogo, in la kala fogaado oo labo mitir la’isu jirsado, In la joogteeyo fara-xalka iyo in la joojiyo Salaanta gacan qaadka ah.