Warbixin: Soomaali 40 ah oo u Geeriyooday Cudurka Caronaviru iyo Tiro Badan oo Cisbitaalada u Jiifto

Medical staff take a patient off an ambulance at St Thomas’ hospital. Photo @ Sky News 

Caabuqa halista ah ee Covid 19 ayaa dunida u saameyay si weyn iyadoo guud ahaan dadka uu ku dhacay ay garaayaan Hal-milyan oo qof guud ahaan adduunka.

Dalalka ugu badan ee uu xanuunkani sida ba’an u saameyay ayaa kala ah: Mareykanka, Talyaaniga, Spain, China, Germany, Iiraan iyo UK. Ilaa iyo hadda dadka u geeryooday Caronavirus waxa ay gaarayaan: 56,757 qof guud ahaan adduunka oo dhan.

Soomaalida ayaa kamid ah bulshooyinka waddamadan kunnool ee uu xanunkani saameyay, iyadoo ugu yaraan 40 ruux oo Soomaali ah ay xanuunkan u geeryoodeen.

Dalka Uk waxa ku geeryooday ugu yaraan 16 ruux oo Soomaali ah, kuwaas oo ay kamid ahaayeen, Ra’iisul wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur-cadde) iyo Ciyaar-yahan, Cabduqaadir Maxamed Faarax (Biriq). Sidoo kale, waxa kamid ah dadka Ingriiska ugu geeryooday xanuunkan, Cismaanciil Maxamed Cabdiwahaab oo 13 jir ahaa, iyadoo ugu yaraan 24 qofna ay isbitaallada ku jiraan.

Dhanka kale, Soomaalida ku dhaqan dalka Sweden ayuu xanuunkani si ba’an u saameyay iyadoo dalkaas oo kaliya dhimashada Soomaalidu ay kor u dhaafeyso 20 qof, halka tirada xanuunsanna ay aad u badan tahay.

Hey’adaha caafimaadka ee dalka Sweden ayaa si gooni ah u timaamay Soomaalida iyagoona sheegay in qaar badan oo kamid ah ay xanuunkan qaadeen.

Dalka Holland waxa ku geryooday qofkii ugu horreyay oo Soomaali ah, dhinaca Norwayna waxa ay wararku sheegayaan in qofkii labaad oo Soomaali ahi u geeryooday Covid 19.

Dalka Mareykana oo ay Soomaalida ugu badan ee qurbaha joogo kunool yihiin illaa iyo hadda lagama soo sheegin qof Soomaali ah oo u geeriyoodey ama la xaqiijiyey in uu haleelay cudurkaan. Sababta ayaa lagu sheegay in ay tahay bandowga lagu soorogay gobolka ay ay Soomaalida badani ku nooshahay ee Minnesota iyo guud ahaan ganacsiga iyo meelaha ay Soomaalida iskugu imaan jireen oo la xiray.

Dhanka Canada, wararku waxey sheegayaan in aysan jirin dad Soomaali ah oo u geeriyoodey cudurkaan balse waxaa jiro labo qof oo Soomaali ah oo uu ku dhacay durukaan, kuwaas oo ku nool magaalada Edmonton ee gobolka Alberta.

Dalka Kenya waxaa la xaqiijiyey in muwaadin Soomaali ah laga helay cudurkaan. Ma jiro war intaas dheer oo xaaladiisa laga ogyahay.

Guud ahaan dalalka kale ee uu xanuunkani saameyay ma jiro qof u geeryooday Caabuqan dartiis.

Warbaahinta reer Yurub iyo qaar badan oo kamida hey’adaha caafimaadka ayaa sheegaya in sababta keentay in Soomaali intaas la’egi xanuunkan u geeriyoodaan ay tahay seddex arrin: Qodka Soomaaliga oo qarsado markuu ku dhaco cudurka, Soomaalida oo ah bulsho isdhexgal badan iyo ayga oo tiri badan hal guri kuwada nool.

Waxa aan ku jirnaa xilli xanuun gaar ah leh, oo haddii ay naftu kaa bexeyso aaney qoyskaagu kuu imaan karin, ku dhaqi karin kuguna dukan karin.

Guud ahaan Soomaalida waxaa lagula talinayaa in ay aaminaan in cudurkaan ku dhici karo qof Muslim ah iyo qof aan aheynba. Waxuu kalo oo si isku mid ah ugu dhici karaa ciyaal iyo ciroole. Sidoo kale, waxaa lagula talinayaa Soomaalida in ay qaataan talooyinka iyo tilmaama caafimaad oo ay bixinayaan hay’adaha caafimaadka.

Haldoorka iyo maamulada waxaa ku waajib ah in shacabka si xigmadeysan wax uga dhaadhiciyaan ayaga oo u maraayo marinnada ugu habboon ee markaan dadka wax ku fahmi karaan.

  • Diyaarintii
  • wariye, Mohamud Maalin
  • Germany