Warbixin: Kooxda Alshabaab oo Dhaqtar ku Dilay Magaalada Muqdisho

Dhaqtar Cabdullaahi Yuusuf oo ay Alshabaab toogasho ku dileen

Faah faahin ayaa ka soo baxaya dhaqtar dhalinyaro ah oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho, gaar ahaan goob caafimaad oo uu ku lahaa Xaafada Dabakaaya-Madow ee degmada Dharkeenley.

Kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa dilay dhaqtarka oo lagu magacaabo Cabdullaahi Yuusuf Suudaani oo ahaa dhaqtar dhalinyaro ku soo waxbartay dalka Suudaan.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Dr Suudaani uu ahaa wiil dhalinyaro ah oo degan, isla markaana markii uu ka soo laabtay dalka Suudaan uu goob caafimaad Farmashiye ah ka furtay degmada Dharkeenley.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay dilka dhaqtar Cabdullaahi Yuusuf. Waxey sheegeen in uu dhaqtarka ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ciidamda dharcadka ee aan hubka muuqdo wadan.

Illaa iyo hadda Dowladda Soomaaliya wax war ah kama soo saarin dilka dhaqtarkaan iyo eedeynta Shabaab ee ah in dhaqtarka ka tirsanaa ciidamada Dowladda.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email