Soomaaliyada Aan Rabo

Ali Farah, Cilmi baare sidoo kalana ogaal durugsan u leh Maamulka Dowladnimada, Dowlad Wanaaga iyo Horumarka.

Arar

Waxaa jiray beri ay aheyd kaamil aan kala go’ go’neyn,waxaa xigay beri hammigu ahaa soo celinta kaamilnnimada dhulka sida ka muuqato Calanka Buluugga ee leh Xiddigta shanta gees wadata. Waxaa jiray is curjin iyo is riix-riix xooggan kuwaas oo soo jiitamaayay mudo gu’yaalo ah, ahaana is dabayaal aan kolna loo xiisa qabin in dib loogu laabto xasuusteeda iyo sheegsheegisteeda e’, qoraal taariikheed mooyaane (Xuseen M.Cabdulle Wadaad).

Sida aad kaga soo bogatay akhris taariikheedka ararta, qoraalkaan ayaa gabigiisba waxa aan ku milicsan doonaa taariikhdii tagtay , tan taagan iyo timaadada ( oo malo aniga ii gaar ah iyo yadiilo aan doonaayo in mustaqablka dalkeyga uu xaqiijiyo) iyo siyaabaha lagu gaari karo geediga lagu doonaayo barwaaqo sooranka iyo horumarka waara ee maandeeq waa Soomaaliya e’.

Milicsasho Taariikh Tagtay iyo Mida Taagan ba’

Dunida aan guudkeena ceegaagno dalalka kala jaadka ah iyo bulshada kala mabda ah ba’ magac san ama siloon baa maalinba maalinta xigtay u yeerayay kaas oo dunida inteeda kalana ku qadariso oo sumadna ugu dhigto kolka ay xusaayaan magaca dalkaasu.

Daraasaadka arrimaha Siyaasada iyo dowladnimada baa iyagana ku dooda arrar la qaateyn ah;

“Wadan wuxuu qiima ku leeyahay wadajirka dadkiisa”.

Ka dib dagaalkii sokeeye ee talada loogu tuuray Dowladii xooga, Dadka Soomaaliyeed baa noqday kuwa kala irdhoobay oo midba jufadiisa gunta hoose u galay, qaar kaloo badana iyana dibad yaalnimo garwaaqsaday marka laga reebo tiro yar oo qalalaasaha iyo qaran jajabka hurinayay mooye, nasiib wanaagse dhowr yar oo quusan waa ah baa dadaal dhismo dowlad loo dhan yahay maalinba golle iyo geed u fadhiyay dabadeedna daadaalkoodii ku guuleystay in la helo dawo lagu dhayi karo maliisha qurmisay Soomaaliya waa markaasi e’ balse aheyd xal oo se xaqa ka fogeyd.

Wadaniga niyada san (aan aheyn se qeexitaanka ay bixiyeen maamulka imminka talada dalka haayo) ee mar walba ku taama in dalkiisa maalin uun nabad iyo nolol heli doono baa aroor walba indha ku kala furo madal niyad jab iyo quus ah waxa ayna qalbiyadooda ku soo maaxda in dib u noqod uu jiri doono markay ay is barbardhigaan saasaanta aroor walba soo if baxda.

Bidhaansiga Timaadada

Marka aan aqriyay taariikh dhowr ah is bar bardhigayna dalal kobac iyo hormar la taaban karo sameyay haddey ahaan laheyd taariikhdooda horeysay iyo midooda dambe ba’ ha dhaceyn dunida daafaheeda haba u horeeyeen dalal midabka madow nala wadaaga e’, waxaa ii muuqata xaaladda dalka Soomaaliya oo gu’yada foolka inagu soo haaya gaartay saldhitayna;

Dowlad wanaag, cadaalad loo dhanyahay, sareynta sharciga, nabad waarta, barwaaqo sooran, iyo horumarka waara iyadoo dalka uu galay marxalad hogal curatay dayr taas oo ku hooreysa dhulka cidhafyadiisa dadka iyo duunyadana ay cosobka iyo barwaaqada nabad ku daaqayaan, farxadna ku wada caweenayaan, culumada diinta marineysa iyo dugsiyada oo camiran, masaajidka oo dikraga alle ka wada digaamaya, cuudka iyo qaraamigana daafaha magaalada ka daryaamaya, is cajabin iyo is calmasho xidigaha soo kobcay aan tiris laheyn, xoriyadda hadalka, saxaafada iyo doorashada shaqsiga oo la dhowro, xaqa muwaadinka ilaaliyo iyo gaarista hanaanka saacidada danyarta, shaqo gabka iyo beeraleyda dalka sidaas oo kale dumarka iyo bulshada laga tiri badanyhay oo la siiyo fursad ay kula falgeli karaan buslada, dhaqaalaha iyo siyaasada iyo dhamaan wax walba oo nolosha aas u ah.

Waloow aysan gaarida caasinin caanyo nacas ah moyaaane, haddana curudkii hagaagana ciidda u shaqeenaya dalkana caabbinaya sida ceynka aan aniga ahay oo kale sidoo kalana cudurka halista ahna dadka, duunyada iyo deegaanba ka daaweenaya bulshada oo wada jirtana nabadda iyo is amaan gelintana ka shaqeenayaan.

Sifaalaha Lagu Gaari Karaayo

Inkastoo dadaal halkiisa yahay, haddana umma maleenayo intaas oo wanaag la kulankooda qof ay gooni u dhibeyso faa’ido mooyaane, haddaba ka dhabeynta waa mid qof walba oo Soomaali ah qoorta u suran la rabana in uu qeybtiisa cayaaro waa sidii roon e’, una cubtay aniga sidaas si la mid u arkayay in danta, dadka iyo diintaba ku jirto ilana habooneyd si guud u raadinta barwaaqo soorankaas dahan iyo horumarka waara ee kolna Soomaali aysan gaarin.

Soomaali ahaan waa in aan taariikhaha qoran iyo kuwa qoyan ka tusaala qaadanaa, waaqicana aan raacno caaddifaddana aan ka fogaano sidoo kala si bisil oo togan aan iskugu beeqaaminaa danta goorkaas na garab taal iyo timaadada aan laga fursan karin si miir qab leh maan galna ah walibana si qotodheer, taxaddar, caqli iyo farsamana ku jirtaana aan ugu fakirnaa si aan kaga gudbi laheyn dhibahaan kala jaadka ah ee kala jeeda aan tan iyo aasaaskii dunida aan guudkeeda afrikada barri ee dibjirka ah een naalno dhexda!

Gunaanad

Aniga oo aaminsan balanqaadkii Eebe ee ahaa “culeys walba fudeyd baa xigi” sidoo kalana cuskanaya dhaqankii Soomaaliyeed ee ahaa in hadalka lagu gunaanado duco wadareed baan leeyahay;

Allahayow arligeenu kii
Ayaan leh ee abaarsan
Een abaarsan uu ahaado!

Waxaa Qoray: Ali Farah

Fiiro Gaar ah: Falcelin kasto oo ka dhalato qormadaan, ammaan ama dhaleeceyn waxey u gaar tahay qoraaga faaladaan. Qormadaan marna kama turjumeyso aragtida iyo siyaasadda ay ku shaqeyso Xorriya Online.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email