Turkiga oo Qalab Caafimaad iyo Daawo ugu Deeqay Soomaaliya

Turkiga ayaa dowladda Soomaaliya soo gaarsiisay agab caafimaad oo loogu tala galay ka hortagga iyo xakameynta fidista cudurka Coronavirus. Deeqdaan qabalka iyo daawada caafimaadka ah ayaa waxaa laga soo dajiyey caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu wareejiyay agabkanm waxaana xubnahaas hoggaaminayay wasiir kuxigeenka Caafimaadka.

Turkiga ayaa ka mid ah dalalka saaxibka dhow la ah Soomaaliya, iyadoo mar walba shacabka Soomaaliyeed la garab taagan kaalmo bani’aadanimo oo dhinac walba ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta ka hortagga cudurka Coronavirus, waxaana tirada dadka uu soo ritay cudurkan uu gaaray 116 qof, halka 5 qof ay u geeriyoodeen.