Tiradii ugu badneyd ee hal maalin Soomaaliya ugu geeriyootay cudurka Covid19

Waxaa maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhaysa tirada uu soo ridanayo cudurka Corona gudaha dalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale sii korodhaysa tirada Soomaaliya ugu dhimanaysa feyriska Covid-19.

Soomaaliya 24 saac ee ugu dambaysay waxaa cudurka ugu dhimatay dad gaaraya 6 qof sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Waa tiradii ugu badnayd ee hal maalin oo kali ah Soomaalya ugu dhimatay cudurka Corona ee caalamka faraha ba’an ku haya.

Sidoo kale waa tiradii ugu badanayd ee dalalka ku yaalla bariga Afrika ee la shaaciyay in hal maalin ay ugu dhimatay cudurka.

Soomaaliya sidoo kale waxaa 24 saac ee ugu dambeysay la diiwaangaliyay 49 qof oo cudrka laga helay.

Tirada guud ee Soomaaliya uu cudurka Covid-19 uu so ritay ayay wasaarada caafimaadka ku sheegtay 286.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email