Tifatirihii Telefashinka Qaranka Soomaaliya oo Xilka Laga Xayuubiyay

Feysal Muuse Maxamed, Tifatirihii Horre ee SNT oo Ay Xil Ka Qaadis Dowladda Ku Sameysay

Tifatirihii telefishinka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Feysal Muuse Maxamed  ayaa lagu sameeyay xilka qaadis, sidda lagu sheegay qoraal lagu baahiyay warbaahinta Dowladda Isniinta shalay aheyd ee aan ka soo gudubnay .

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al Cadaalla,oo ku saxiixan warqada xilka qaadista ee Tifatirihii telefishinka Dowladda Faysal Muuse Maxamed ayaa lagu sheegay  in uu ka dambeeyay xayaysiis shaqo kaas oo baraha bulshada muran iyo dood badan ka aloosay 11-April-2020 ee Asbuuci tagay, taas oo bulshada qeybaheeda kala gedisan ka falceliyeen horseeday in durbo wax ka badal lagu sameeyo hab qoraalkii xayeysiineyd ee warqada u qorneyd.

Qoraalka warqada xil ka qaadista ayaa lagu cadeeyay in uu qaatay mas’uuliyadda xayeysiiska lagu tilmaamay mid ay ku jireen erayo faquuq ah taas oo ay ujeedkeedu ahaa in lagu goobo laguna shaqaaleeyo laba gabdh oo xirfadlayaal ah.

Halkaan hoose ka aqriso Lifaaqa warqadii Xil ka qaadista ee  ka soo baxday xafiiska Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Docda kale, Tafatire Faysal Muuse ayaa bartiisa gaarka ah ee Facebook ku shaaciyey in uu iska casilay xilka kadib is-fahamwaa dhanka shaqada ah oo soo kala dhexgalay isaga iyo agaasimaha Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya isla maalinimadii Isniinta ee shalay aheyd.

Tafatiraha ayaa qoraalkiisa ku beeniyey wararka ku aadan in uu sameeyey qiraal kusaabsan mas’uuliyadda xayeysiiska sida ku xusan qoraalka Agaasimaha guud ee wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yusuf Sheekh Al Cadaalla.

“Waxaan rabaa in aan madaxda wasaaradda Warfaafinta weydiiyo aniga miyaa xafiiska agaasimaha SNTV xog-heyn ka ahaa? Mana jirto sabab aan u qirto khalad qof kale ka dhacay” ayuu yir Fasal oo ka jawaabay qoraalka Wasaaradda.

Ugu dambeyn Tifatariha ayaa Waqadiisa Is Casilaada u gubiyay Madaxda Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna ka rajeeyay inay ka ogollaan doonaan Is-casilaadiisa ku aadan dhanka shaqada sidoo kalana qoraalkiisa ku gunaanaday in uu guul iyo horumar u rajeeynayo Madaxda Taleefishinka qaranka Soomaalia  iyo kuwa imaan doona, isagoo xusay inuu sii wadi doono u adeegida Qarannimada Soomaaliya.

Lifaaqa Hoose ka aqriso Warqada is Casilaada Tafatiraha Taleefishinka Qaranka Soomaaliya.

Ka dib markii ay soo baxday warqada xil ka qaadista Tafatirihii Taleefishinka qaranka ayaa waxaa durba falcelin ka sameeyay bulshada qeybaheeda kala duwan oo ay ugu horeeyaan xildhibaano garabka mucaaradka ah.

Mahad Maxamed Salaad oo ah Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeedkii ka soo baxay Agaasimaha guud ee Wasaarada War-faafinta Soomaaliya ku tilmaamay “Gardaro garbo ogiyo gaajo guri og midna lagama kabsado” sida uu ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan xubnaha mucaaradka ee Baarlamaanka ayaa sheegay in qoraalkaasi ahaa mid laga sumcad dilayo wariye Faysal Muuse Maxamed Tifaftirihii telefishinka dowladda isla markaana qaladka dad kale lahaayeen sida uu hadalka u dhigay.

“Warqadii HUBQAAD ee kasoo baxday Wasaarada Warfaafinta mala waayay cid kale oo mas’uuliyadeeda qaada, loona ciqaabo. Agaasimihii xaafiiskiisa waraaqdu kasoo baxday hadii qaraabonimo looga bootiyay, wiilkaan dhalinyarada ah maxaa loo sumcad dilayaa mise ujeedadu waa MISKIIN AYAA MISKA LA FUULO LEH?!” ayuu is weydiiyay Xildhibaanku.

Maxaa Soo Dadajiyay Xilka Ka Qaadista Wariyaha

Iidheh lagu dalbanayay labo gabdhood oo Wariyayaal ah ayaa Seddex mar wax laga badalay habka loo qoray shuruudaha looga baahnaa gabadhaha waxaana 11 Apriil lagu daabacay warbaahinta Dowladda, qoraalkaas waxaa ka dhashay dood badan oo ugu dambayntii keentay in shaqada laga eryo Tifatiraha SNTV.

Maxaa lagu xasuusan doonaa Wariye Feysal Muuse

Codeynta ayaa soo ifbaxay dhammaadka maalintii ugu dambeysay ee sannadkii 2014-ka, ee  qaban qaabiyeyn  Jaaliyadda Soomaaliyeed ee  magaalada London ee dalka UK oo kaashanaya qaar ka mid ah Shirkadaha iyo Warbaahinta ka howlgasha  caasimadda dalka Ingirsiiska u jeedkeeduna ahaa in lagu dhiirageliyo dhammaan saxafiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa si weyn u muujiyey dadaalka ku aaddan howlahooda shaqo, waxa ay Wariye Feysal Muuse oo ka howlgallada Warbaahinta Qaranka Somalia ee Sntv iyo Radio Muqdisho,  u magacaabeyn in uu yahay 95% Wariyihii ugu wanaagsanaa dhanka Akhrinta wararka iyo soo gudbinta macluumaadka horumarineed ee ka hadlaya Soomaaliya isla markaana Feysal Muuse u soo jeediyeyn in uu xoojiyo horumarka uu sameeyey.

Coddeyntu oo isugu jirtay saddex qeybood, muuqaal, maqal iyo Ra’yi uruurin, waxaana sidoo kale qeyb ka ahaa suxufiyiin kale oo iyagana ka howlgalla Telefishinnada Soomaalida. Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool caasimadda dalka Ingiriiska oo wax laga weydiiyey  cidda ay u dooran lahaayeen  in uu yahay Wariyihii ugu wanaagsanaa dhanka Akhrinta wararka iyo soo gudbinta macluumaadka horumarineed ee ka hadlaya Soomaaliya.

Waloow sida horay looga bartay dhaqan siyaasadeedka maamulka hadda majaraha u haayo siyaasada Somaaliya muddadii ay xilka haayeen ayaa maalinba mid dhabaha cagta loo saaray  oo saxaafada siyaasada laga dirayay balse tan ceyrinta Tafatiraha waa markii ugu qhoreysay qof ka tirsan shaqaalaha Taleefishinka qaranka eed intaa la eg’ dusha laga saaro durbana xilkana laga xayuubiyo.

Hadaba su’aasha weyn ee bulsahda is weydiineysaa ayaa ah waxa isku qasi kara hanaanka maamul ee shaqaaleysiinta iyo midka shaqo ee Tafatirinimo ee Taleefishinka qaranka Soomaaliya?