Taliyiha saldhiga degmada Boondheere oo xilkii laga qaaday

Taliyihii Saldhiga Booliska ee Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, Najiib Carab ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay, ka dib markii habeen hore degmadaasi lagu dilay laba qof oo shacab ahaa.

Labada qof ayaa waxaa dilay askari ka tirsan Ciidamada Booliska ee Saldhiga Degmada Boondheere, kaasoo iminka xiran.

General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ayaa xaqiijiyay in xilka laga qaaday Taliyihii Saldhiga Boondheere.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa bulshada ku dhaqan Degmada Boondheere ugu baaqay in ay is dejiyaan.

Bulshada reer Boondheere ayaa isu soo baxyo ka sameeyay degmadaasi, iyagoo markaasi ku muujinaya sida ay kaga xun yihiin dilka lagula kacay labadaasi qof.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa bulshada ugu baaqay in ay is dejiyaan, isagoona ballanqaaday in sharciga la horkeeni doono askariga.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email