Taliyaha Booliska oo Shaaciyay in Xabsiga Loo Taxaabay Askarigii Dilka Geystay

“Askarigii Dilka Geystay Waa La Xiray”. – Jen. Cabdi Xasan Xijaar

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Jen. Cabdi Xasan Xijaar ayaa shaaciyay in la xiray askari xalay labo qof ku dilay degmada Boondheere waqtigii uu bilaabanayay Bandowga Muqdisho.

Taliye Xijaar ayaa hadalkan ka sheegay Shirka Guddiga Ka hortagga Cudurka Coronavirus COVID-19, waxaana uu sheegay in cadaalada la marsiin doono.

Abaarihii 7-da fiidnimo oo aheyd xilligii uu bilaabanayay bandowga dowladda ku soo rogtay Muqdisho ayaa askari ka tirsan Saldhiga Booliska degmada Boondheere waxaa uu labo qof ku dilay agagaarka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta.

Askariga dilka geystay iyo wiil dhalinyaro ah oo gurigiisa hor fadhiyay ayaa waxaa dhex maray muran, waxaana askariga la sheegay inuu wiilka ku amray inuu xaroodo, balse uu ka dhega adeegay, waxaana markaas kaddib uu ku furay rasaas, taasoo uu goobta ugu geeriyooday, sidoo kale rasaastii ka baxday ayaa waxay haleeshay gabar umul aheyd oo guriga ku jirtay oo iyana dhaawaca u dhimatay.

Dilka labadaas qof ayaa waxaa ka dhashay banaan bax rabshado watay, waxaana dadweyne careysan ay taayaro ku gubeen inta u dhaxeysa Isgoyska Jubba iyo Dugsiga Bartamaha.

Bulshada ku dhaqan magaalada muqdisho ayaa walaac xoogan ka muujinaya xiliga uu bilaabnayo bandowga kaas oo ku soo beegmaya inta u dhaxeysi xiliga af-furka iyo salaadaha cisho iyo taraawiixda.