Taliya ciidamada xooga Soomaaliya oo shir muhiim ka qeyb galay

Taliya ciidamada xooga Soomaaliya, Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa Khadka Internetka kaga qeyb galay shir looga hadlayay wada shaqeynta Ciidanka Xoogga iyo Amisom.

Shirkaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Ururka Midowga Afrika, waxaana ka qeyb-galay Taliyeyaasha Ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee Amisom, Xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya iyo wakiilka midowga afrika u qaabilsan Soomaaliya.

Waxaa looga hadlyay shirkaan wada shaqeynta Ciidanka Xoogga iyo Amisom, siddii loo dardar gelin lahaa howlglada dalka looga xoreynayo maleeshiyaadka argagixisada Alshabaab iyo arrimo kale.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa waxaa shirka ku wehlinayay Agaasimaha guud wasaaradda gaashaandhiga XFS iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email