Taliska Booliska oo Saxaafada La Wadaagay Magaca iyo Sawirka Askarigii Dilka Geystay

Dable Xasan Aadan Xasan, 24 jir ka tirsan ciidanka Booliska Saldhigga Boondheere.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay sawirka sidoo kalana shaaciyay magaca askari ka tirsan Ciidanka Booliska oo xalay labo qof oo wiil iyo gabar ah ku dilay degmada Boondheere, xilligii uu Muqdisho ka bilaabanayay Bandowga.

Askariga dilka geystay oo ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Booliska ayaa lagu magacaabaa Dable Xasan Aadan Xasan oo 24 jir ah, kana tirsan ciidanka Booliska Saldhigga Boondheere.

Taliska Booliska ayaa sheegay in askarigan dilka geystay la horkeeni doono Maxkamadda, si loo marsiiyo sharciga, maadaama uu dil bareer ah uu geystay.

Dilkii xalay ka dhacay degmada Boondheere ayaa dhaliyay xiisad, iyadoo xalay illaa saaka banaan bax uu socdo banaan bax looga soo horjeedo dilalkaas oo taayaro lagu gubayo.

Labada Marxuum ee la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Madiino Cabdullaahi Cabdi oo 17 jir ah iyo Xasan Cali Cadaawe 24 jir ah, kuwaasi oo u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare jirka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email