Soomaaliya: Tirada Dadka uu Soo Ridanayo Coronavirus oo Cirka Isku Sii Shareereysa

Gudaha Soomaaliya: 20 Ruux oo Horleh Ayuu Soo Ritay Xanuunka Coronavirus.

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay inay geeriyoodeen sedax qof oo kamid ah dadkii uu gudaha dalka ku helay cudurka COVID-19, taas oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 5 ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa warbixinta maalinlaha ah ee arrimaha COVID-19 ku sheegtay in sidoo kale la diiwaan geliyay labaatan xaaladood oo cusub. Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaaray 80 xaaladood.

Wasiir Fowsiya ayaa ugu baaqday dadka Soomaaliyeed inay si saxan u qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah qorshaha xakameynta cudurka maadaama uu si xawaare leh dalka ugu faafayo, muhiimna ay tahay in laga wada shaqeeyo bed-qabka umadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta xakameynta cudurkaan COVID-19 ee dhibaatada badan ku haya caalamka.

Wasaarada Caafimaadka ayaa wado dadaalo ay ku yareeneyso xanuunka faafida og’ ee Carona sidoo kalana waxay bulshada kula dardaarmaynaa inay taxadaraan, guryahoodana joogaan dadka da’da ahna si gaar ah uga taxdaraan.

Wasaarada ayaa sidoo kale kula talineysa dadkii isku aragto calaamadaha Caabuqa COVID-19, in ay isku karatiilaan meel gaar ah, kana fogaadaan xubnaha kale ee qoyska, lana xariiraar Numberka gargaarka degdega ah ee 449 si loo siiyo talo caafimaad.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email