Soomaaliya: 2 ruux oo horleh oo laga helahay COVID-19 taas oo wadarta tirada dadka qaba cudurka ka dhigeysa 7 qofood

Somaaaliya: 2 ruux oo horleh oo laga helahay COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka xukuumada Federalka ayaa sheegtay in laga helay gudaha Soomaaliya Labo kiis oo cusub oo ah cudurka Coronovirus dadka qaba caabuqaan mid waa ajanabi, midna waa Muwaadin Soomaaliyeed.

Warbixin kooban oo la soo dhigay bogga Wasaaraadda caafimaadka ayaa lagu sheegay in guud ahaan tirada dadka cudurkan qaba ay gaarayaan 7 ruux. Hase yeeshee Wasaaradda ayaan cadeyn halka ay ku sugan yihiin labadan ruux ee laga helay cudurka.

Hase yeeshee ma jirto qof ugu dhimatay gudaha Soomaaliya cudurka Coronavirus waxana ay dowlada hore u sheegtay in qof hore looga helay cudurka uu bogsaday.

Tirada dadka Soomaalida ah ee qaba cudurka Coronavirus kuna sugan gudaha Soomaaliya ayaa aad uga yar tirada dadka Soomaaliyeed ee ku nool dibadda ee laga helay cudurkan.

Qaarada Yurub ayaa muwaadiniin badan oo Soomaali ah oo uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore Nuur Cadde waxa ay ugu geeriyoodeen dalal ku yaal qaarada Yurub.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email