Soomaali ku xayirnaa Turkiga oo laga soo dajiyey Muqdisho

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa caawa Muqdisho keentay ku dhowaad 58 qof Soomaali ah oo muddooyinkii u dambeeyay ku xanibnaa dalka Turkiga.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa gacan ka geysatay soo daabulida dadkan Soomaaliyeed ee ku xanibnaa dalka Turkiga, isla markaana uu saameeyay xayiraadii ka dhalatay Cudurka COVID-19.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga Amb. Jaamac Caydiid ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga sida ay ugu fududeysan in dadkan oo laga soo daad-gureeyay magaalooyinka Ankara iyo Istanbul.

26 ka mid ah dadkaas waxa basas looga soo qaaday magaalada Ankara, lana geeyay magaalada Istanbul oo ay diyaaradda ka soo qaaday.

Ku dhowaad boqol Soomaali ah ayaa ku xanibnaa dalka Turkiga, tan iyo markii dalkaas lagu soo rogay xaalad bandow ah, si looga hortago cudurka Coronavirus oo adduunka oo dhan samaeeyay.

Dhinaca kale Diyaaradda Turkish Airlines ayaa caawa ka qaaday Muqdisho illaa 101 Muwaadiniin Turkey ah, sidoo kale dadka ay diyaaradda qaaday waxaa ka mid ahaa Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Goodax Barre oo la sheegay in howlo caafimaad ah uu isna u baxay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email