Somaaliya oo la xaqiijiyay in qof horleh uu qabo Covid-19

UNSOM oo xaqiijiyay in qofkii labaad oo ka mid ah shaqaalaheeda laga helay Coronaviras

Xafiiska Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya (UNSOM) ayaa xaqiijiyay in qofkii labaad oo la shaqeynayey Xafiiska (QM) ee Soomaaliya in laga helay Cudurka Covid 19.

Qofkan oo ajanabi ah ayaa ka shaqeyn jiray shirkad ka hawlgasha gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho

Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Xafiiska (UNSOM) waxaa qofkan la qabtay bartamihii bishii hore ee Maarso xilligaas oo uu dalka soo galay, waxaana la geeyay goob dadka lagu karantiilo oo gudaha garoonka ku taalla.

Xalay waxay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay in labo ruux oo mid ajanabi yahay laga heley xannuunka Covid-19 taasoo tirada guud ee dadka laga heley cudurka gudaha Soomaaliya ka dhigtay 7-kiis.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email