Sheekh Shariif oo ka digay Khatarta Coronavirus ee Soomaaliya soo wajahday

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Iyadoo mudooyinkii dambe Soomaaliya uu ka jiray Coronavirus ayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran sheegay in khatarta uu dalka ku haayo Cudurka Coronkavirus ay mareyso meel adag dadka uu soo ridanayo cudurkan ay sare u kaceen.

Sheekh Shariif ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka caafimaad ee ka imaanaya dhaqaatiirta Caafimaad.

“Khatarta cudurka Coronavirus ee dalkeenna waxay maraysaa xaalad adag oo u baahan in aad loo raaco talooyinka dhakhaatiirta caafimaadka ay noo soo gudbinayaan sida, Sanka iyo afka oo la xirto, in gacmaha oo saabuun lagu dhaqo,in Gacmaha oo laga ilaaliyo afka,sanka iyo indhaha iyo in la kala fogaado ugu yaraan laba mitir”ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Cudurkan wax ka qabashadiisa ay awoodi waayeen dowladihii waa weynaa, isla markaana  Soomaaliya aysan awood u laheyn inay wax ka qabato.

“Xanuunka Covid-19 waxaa la itaal daran oo wax ka qaban la dowladahii aduunka ugu awoodda badnaa, sidaa awgeed Soomaaliya awood badan uma lahan ka hortagga cudurkaan, laakiin haddaan iskaashanno oo fariimaha caafimaadka aan wadajir u fulinno waxaan ku guulaysan karnaa ayuu yiri” Sheekh Shariif.

Xaaladaha Coronovirus ee dalka Soomaaliya ayaa noqonaya dalka ugu dhimashada badan cudurkan dalalka dhaca Bariga Afrika, waxaana la diiwaan geliyay dhimashada 32 ruux, iyo 480 ruux oo kiis ahna dadka oo dhan laga diiwaan geliyay.

Wasaarada caafimaadka iyo dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaalo ay ku yareenayaan faafida xauunkaan iyaga oo wada wacyigelin bulshada ah iyo adeegyo caafimaad oo dadka uu soo rito xanuunka lagula tacaalaayo sidoo kalana waxaa bandow habeenkii ah lagu soo rogay magaalada muqdisho oo ah meesha ugu xaaladaha ugu badan ee Coronavirus laga diiwaangeliyay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email