Senator Maxamed Amiin oo Cambaareeyay Dilkii Xalay Loo Geystay Dadkii Rayidka Ahaa

Senator Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan ayaa Cambaareyn Dusha Kaga Riday in Ciidamada Booliska Ay Dileen Rayid ahh oo Xaafadahooda Ku Sugan.

Senator Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareeyn dusha ka tuuray dilkii xalay askari qeyb ka ah ciidanka Booliska u geystay labo qof oo rayid ah.

Senator Maxamed Amiin ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Ciidamada Booliska ay dileen dad shacab ah oo xaafadahooda jooga, halkii ay aheyd mas’uuliyadooda inay ilaaliyaan nafta iyo maalka muwaadinka.

“Waxaan cambaareynayaa falkii dadkii shacabka ahaa ee iyaga oo xaafadahooda jooga ay dileen Ciidamada Booliska, oo ay ahayd mas’uuliyadooda in ay ilaalinta nafta iyo maalka Muwaadinka Soomaaliyeed”ayuu yiri Senator Amiin oo ah Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha Golaha Aqalka Sare.

Senator Amiin ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan askariga dilka geystay lagu horkeeno sharciga, si looga abaal mariyo falka naxariis darada ah ee uu geystay.

Xalay fiidkii ayay aheyd markii askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya uu degmada Boondheere ku dilay labo qof rayid oo wiil iyo gabar ahaa, xilligii bandowga uu bilaabanayay, waxaana dilkaas ka dhashay banaan bax rabshado wata oo taayaro lagu gubay oo ilaa saakay barqadii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email