Sawiro: Madaxweyne Saciid Dani oo gaaray magaalada Qardho oo daadad ku dufteyn

Madaxweyne Saciid Dani ayaa Safar dhulka ah ku gaaray Qardho.

Roobab lixaad oo xalay ka da’ay magaalda Qardho ee Gobolka Karkaar sababayna fataaho in ay ka dhashaan saameyeyna dhamaan magaalada ayaa maanta Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni gaaray magaalada.

Madaxweynaha oo safar dhinaca dhulka ah uga soo ambabaxay magaalada Garowe, ayaa socdaalkiisa ahaa mid gurmad ah iyo u kuur gelid khasaaraha ay sababeen daadadkaas.

Kormeerka Madaxweynaha ayaa ahaa mid xaaladaha guud ee magaalada ku qiimeynayay, isagoo tagay goob walba oo ay saameeyeen daadadka.

Inta la xaqiijiyay illaa lix ruux ayaa ku dhintay daadadkaas, waxaa ku baaba’ay hanti kala duwan, sida gaadiid, dhismayaal iyo goobo ganacsi.

Halkaan Hoose Ka Daalaco sawirada safarka booqasho ee Madaxweyne Dani.