Sawiro: Dowladda Soomaaliya oo Gargaar Caafimaad gaarsiisay Magaalada Baydhabo

Gudiga Qaran ee Covid-19 ayaa Baydhabo gaarsiiyay Agab iyo Dawooyin caafimaad.

Dadaalada loogu jiro wax ka qabashada faafitaanka xanuunka Corovirus oo Soomaaliya fara culus ku haya ayaa maanta wafdi ka socda xukuumada soomaaliya gaar ahaan gudiga Qaran ee arrimaha isku duba ridka Covid-19 ayaa gaarey magaalada Baydhabo halkaasi oo ay gaarsiiyeen qalab iyo dawooyin caafimaad.

Wafdigaan oo saakay ka kicitimay gegida dayuuradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale waxa ay qiimeyn doonaan goobaha loogu tala galey in lagula tacaalayo Caabuqa iyo isbitaalada lagu karantiilo bukaanada uu so rito cudurkaan

Guddiga ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona Madaxda Dowlad-goboleedka Koofur galbeed ee Soomaaliya  iyo wasaaradaha ku mideysan la tacaalida Covid19.

Wafdigaan oo ay hogaaminayaan masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Dalka Xasan Cali Khayre  ayaa lagu wadda iney socdaalkooda baydhabo soo gababeeyaan isla maanta si loo diyaariyo qorshayaal lagu gaarayo Dowlad- goboleedyada kale ee Dalka.

Halkaan hooose ka daalaco Gargaarka Caafimaad ee Baydhabo ka dagay;

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email