Sarkaal ka tirsan Hey’adda Socdaalka oo lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo

Sarkaal sare oo ka tirsan Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Laanta Puntland ayaa xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Cismaan Xuseen Xaaji Ismaaciil (Farey) oo ahaa Madaxii Xafiiska Laanta Socdaalka ee Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ayaa kooxo hubeysan ay dileen xilli uu u weysa-qaadanayay salaadii Maqrib masaajidka Al Huda ee waqooyiga Gaalkacyo.

Dilka ayaa waxaa geystay kooxo hubeysan oo markii falka dilka fuliyeen ka baxsadeen goobta, mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay dilka Sarkaalkaas.

Ciidamada Amniga Puntland ayaa howlgallo baaritaano ka wada xaafada Is raac iyo xaafadaha ku dhow, iyadoo lagu baadigoobayo kooxihii geystay falkaas.

Bilihii u dambeeyay waxaa Waqooyiga Gaalkacyo ka dhacayay dilalka qorsheysan ee loo geysanayo mas’uuliyiinta maamulka iyo dadka waxgalka ah, iyadoo aanay jirin illaa iyo hadda wax tallaabo ah oo maamulka u qaaday ka hortagid iyo ka daba-tag dilalkaas cidii ka dambeysay.