Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Shir Guddoomiyey Kulan Looga Hadlaayey Wacyi-Gelinta COVID-19

Xasan Cali Kheyre Ayaa Gudoomiyay Shir Diirada Lagu Saarayay KaHor Tagga COVID-19.

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyey shirka guddiga qaran ee kahor tagga COVID-19 oo looga hadlay dardargelinta  wacyi-gelinta cudurka faafa ee Coronavirus.

Barnaamijyadan ayaa la sheegay in bulshada lagu fahamsiinayo khatarta, iyo sida looga gaashaaman karo xanuunka COVID-19, si loo yareeyo faafitaanka Cudurkan.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xubnaha guddiga kula dardaarmay inay xoojiyaan howlaha ka hor tagga cudurka Coronavirus, isla markaana ay fuliyaan tallaaba kasta oo ay u arkaan in looga hortegi karo.

Dowladda Soomaaliya ayaa inta karaankeed ah la tacaaleysa cudurka  Coronavirus, xilligaan oo gudaha Soomaaliya laga diiwaan geliyey in ka badan 390 qof oo xanuunkaas la ildaran.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email