Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Dardaaran u Jeediyay Beecmushtarka Muqdisho

Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa uga baaqay Ganacsatada Gobolka Banaadir in aysan sare u qaadin qiimaha maciishada, kaddib markii uu shalay dhaqan galay canshuur dhaafkii dowladda u sameysay raashinka qutul daruuriga ee ka soo dega Dekeda Muqdisho.

Muddane Xasan Kheyre ayaa xalay kulan qadka Muuqaalka ee Online ah uu la qaatay Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa waxaa kulankaas lagu falanqeeyay sidii beecmushtarka aysan maciishada ugu qaali ugu iibin bulshada reer Muqdisho kuwaas oo la daala dhacaya dhibaatada shaqo la’aan oo ay maalmihii tagayna u dheereyn cabsida cudurka Corona-virus.

Qaar ka mid ah Ganacsatada ayaa soo dhoweeyay tallaabada dowladda ay canshuur dhaafka ugu sameysay qutul daruuriga, waxaana ayna sidoo kale balan-qaaday in aanay wax qiimo kordhin ah ku sameyn doonin maciishada sidaa oo kalana ay qaadan doonaan awaamiirta dowladda.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay cabsi laga qabay sare u kac ku yimaada qiimaha maciishada, kaddib markii Cudurka Coronavirus uu caalamka saameeyay, hakadna geliyay dhaq dhaqaaqii ganacsiga ee dunida daafaheeda iska kala gooshi jiray.

Dalabka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli bulshada soomaaliyeed ay ku soo foodleedahay gudashada waajibka bisha barekysan ee Ramadaanka taas oo la ogyahay in qiimaha cunooyinka qutul duruuriga ay ku yimaadaan sara kac aad u xoogan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email