
Roobab Lixaad leh oo baryahii dambe ka da’ayay qeybo ka mid ah ayaa warar ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ay sheegayaan in dad isku qoys ahaa ay ku dhinteen biriq ku dhacday hoy ay degenaayeen oo ku yaalla duleedka magaalada.
Sida wararku sheegayaan qoyskan ayaa ka koobnaa illaa shan qof oo ahaa hooyo iyo afar carruur ah, waxaana ay ku dhinteen biriq ku dhacday gurigooda oo ku yaalla deegaanka Innamid oo 35KM dhanka Bari kaga beegan magaalada Dhuusamareeb.
Roobab saacadihii la soo dhaafay ka da’ayay magaalada Dhuusamareeb iyo deegaanada hoos-taga ayaa waxaa wehliyay gugac iyo biriq cabsi geliyay dadka deegaanka.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa la filayaa inay tagaan deegaanka ay musiibada ka dhacday ee dadka ku dhintay biriqda, si ay ugu kuur galaan xaalada deegaankaas, ulana kulmaan ehalada qoyska dhibaatada gaartay