Qarax Miino oo Lagu Dilay Sarkaal ka Tirsan Ciidamda Soomaaliya

Qarax miino oo maanta barqadii ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay G/sare Cusmaan Muuse Maqaarow oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Milateriga Soomaaliya.

Sida wararku sheegayaan qaraxa ayaa haleelay gaari Cabdibile ah oo uu Sarkaalkan saarnaa oo marayay nawaaxiga Isbitaalka Digfeer.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxa uu sidoo kale ku dhintar askari, waxaana gaariga la qarxiyay oo wadada ka baxay uu waxyeelo gaarsiiyay dad kale oo goobta ka ag dhowaa.

Qaraxyada miino ayaa maalmihii la soo dhaafay ku soo kordhayay magaalada Muqdisho, iyadoo jimcihii ay aheyd markii Kolonyo Ciidamada AMISOM lagu qarxiyay agagaarka Suuqa Bakaaraha.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxaan lagu dilay sarkaalkaan kamidka ahaa ciidamada xooga dalka Soomaaliya. Kooxda ayaa waxey sheegeen inay weerarkaan ku dileen sarkaalka iyo afar kamid ah ilaaladiisa, balse warar kale oo aan helnay waxay sheegayaan in dhimashadu tahay sarkaalka iyo hal askari.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email