Maxkamad Amartay in Xabsiga lagu Sii haymow Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye

Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye

Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah wariye ka tiran Goobjoog Media oo muddo saddex cisho ah u xiran dowladda Soomaaliya ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir ay amartay in xabsiga loogu sii haayo.

Warqad ka soo baxday maxkamadda gobolka Banaadir oo ahaa amar xabsi ku sii heyn ah ayaa waxaa Taliyaha Xabsiga Dhexe lagu wargeliyay inuu xabsiga ku sii haayo Wariyaha.

Dad kala duwan ayaa si weyn u cambaareeyay xariga Wariye C/casiis Gurbiye, waxaana ay ka dalbadeen dowladda Federaalka in wariyaha ay xoriyaddiisa dib ugu soo celiyaan.

Hoos ka akhriso warqadda ay maxkamadda soo saartay

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email