Magaalada Gaalkacyo oo la Galiyey Xaalad Deg Deg ah

Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug

Guddoomiyeyaasha gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug Axmed Muuse Nuur iyo Cabdiraxmaan Cali Diiriye oo wadajir shir ugu qabtay gudaha magalada Gaalkacyo ayaa sheegay in xaalad deg deg ah la galiyay guud ahaan magaalada Gaalkacyo.

Amarkan la xiriira xaalad deg deg ah ayaa ka dambeeyey kadib markii laga helay Kiis ah cudurka Covid 19.

Magaalada ayaa la galiyey badoow kaas oo u jeedkiisu yahay sidii lagu xakameyn lahaa in uusan cudurkaan ku faafin bulshada. Bandoowga ayaa saameyn doono meelaha ay dadku iskugu yimadaan.

Gudoomiyashaada ayaa shacabka ugu baaqay in ay u hoggaansamaan amarka bandoowga ah.