Magaalada Boosaaso oo Lagu Gubay Khaad Faro Badan

Waxaa xalay goob fagaare ah oo ku taalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari lagu gubay khaad farabadan oo si qarsoodi ah loo soo gelin rabay gudaha Boosaaso.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Boosaaso ayaa howlgalka ay sameeyeen kusoo qabtay Khaadka, isla markaana xalay gubay, waxaana howlgalkaas faahfaahin ka bixiyay Taliska ciidamada Booliska gobolka Bari.

Taliyaha qeybta Booliska Bari G/sare Xussen Cali Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Khaadka la gubay la doonayay in si qarsoodi loo soo geliyo magaalada Boosaaso oo horey ay u manuucday Puntland.

Waxaa uu sheegay Taliyaha in si walbo oo la isku dayo in Khaad lagu soo geliyo Boosaaso ay ciidanka amniga ka hortegi doonaan, isla markaana tallaabo adeg laga qaadi doono dadka ka ganacsada Khaadka.

Taliye Xuseen ayaa u mahadceliyay laamaha amniga gobolka Bari oo markii labaad gacanta ku dhigay Khaadka, isagoo shacabka ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga si looga hortego keenida Khaadka magaalada Boosaaso.

Maamulka Puntland ayaa kal horey deegaanadooda uga mamnuucay keenida iyo ka ganacsiga Khaadka si looga hortego faafida Cudurka Coronavirus oo kusii faafaya Caalamka oo dhan ah.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email