Madaxweyne Waare oo ka Tacsiyeeyey Geeridii ku Timid Raysul Wasaarihii Hore Nuur Cadde

Madaxweynaha Hirshabelle Dr. Maxamed Cabdi Waare

Madaxweynaha Dowladgoboleedka Hirshabeelle Dr. Maxamed Cabdi Waare, oo ku hadlaya Afka Golayaasha Dowladda iyo Shacbiga Hirshabeelle ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Allaha Naxariistee, Ra’isul Wasaarahii hore ee Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade), oo ku geeriyooday Dalka UK.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Qoyskii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u Naxariistee Ra’isul Wasaarihii hore Soomaaliya Marxuum Nuur Cadde.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuumku door weyn ka soo qaatay Dowlad dhisida Soomaaliya, iyo horumarka hadda la heysto uu qeyb ka ahaa.

Ugu dambeyntii Madxaweyne Waare, Alle uga baryay Marxuum Nuur Cadde, inuu Janatul Fardawsa ka waraabiyo, Eheladiisa, Asxaabtiisa, iyo Shacabka Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email