Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle ayaa tacsi u diray Ehelka Wasiiru dowlihii Wasaaradda Cadaaladda

Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen

Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Wasiiru dowlihii Wasaaradda Cadaaladda Hirshabeelle Khaliif Muumin oo goor dhow ku geeriyooday Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, halkaasoo lagu daweynayay maalmihii la soo dhaafay kaddib markii laga helay Coronavirus.

Cali Guudlaawe ayaa sheegay in dhammaan eheladiisa, shacabka reer Hirshabeelle uga tacsiyadeynayaan geerida Wasiiru dowlaha, waxaana uu sheegay in sidoo kale uu ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle oo aanay marna ilaabi doonin kaalintiisa uu ku lahaa baarlamaanka iyo Xukuumadda.

Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle ayaa caddeeyay in ay si dhab ah u qaadanayaan maamulkooda khatarta cudurka Coronavirus, waxaana uu ugu baaqay bulshada ku dhaqan deegaanada Hirshabeelle inay qaataan tallaabooyinka ay bixinayaan dhaqaatiirta iyo hey’adaha caafimaadka, si looga hortago cudurka Coronavirus oo adduunka oo dhan saameeyay.

Sidoo kale bulshada ku nool magaalada Jowhar iyo deegaanada kale Hirshabelle ayuu ugu baaqay in meelaha la isugu yimaado joojiyaan, oo aan la isku dhowaan, la isa sallaamin, gacmaha la dhaqo, in guryaha la joogo inta karaanku yahay.

Geerida Xildhibaanka ahna wasiiru dowlaha ayaa noqonaya mas’uulkii u horeeyay ee maamul goboleedyada dalka ah ee u geeriyooda cudurka Coronavirus.