Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi oo shacabka ugu hambalyeeyey curashada bisha Ramadaan

Muuse Biixi Cabdi, madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa guud ahaan shacabka reer Somaliland meel ay joogaanba iyo guud ahaan ummadda Islaamka ku hambalyeeyay curashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo caawa curanaysa. 

Madaxweyne Muuse wuxuu shucuubta Islaamka iyo shacabka reer Somaliland-ba u rajeeyey inuu Eebbe ku sugo khayraadka iyo xasanaadka bishan barakaysani ay xambaarsan tahay, isaga oo u rajeeyey inay wanaag iyo khayr ku gaadhaan bishan bisheeda.

“Ilaahayna waxa aan ka rajaynayaa inuu inaga dulqaado xanuunadan aduunka safmareenka ku noqday ee saameeyey dunida, ummadda reer Somaliland iyo dalalka Islaamka ahna rabi ha siiyo bash-bash iyo barwaaqo ay ku gaadhaan sanadkan sanadkiisa

Madaxweynuhu waxa uu ummadda reer Somaliland kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan khayrka bishan,kuna dadaalaan cibaadada islamarkaana ay noqdaan kuwo dhexdooda ay gasho cafis, iyo is-jacayl, isagoo ku adkeeyay inay qaataan amarada guddida heer qaran ee u-diyaar-garawga iyo ka-hor-tagga xanuunka COVID-19 iyo talooyinka caafimaadka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email