Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed oo Maxaabiis u Fidiyay Cafis

Cabdicasiis Xasaan Maxamed Lafga-Gareen, Madaxweynaha Maamul Goboleedka KGS 

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa maanta cafis u fidiyay maxaabiis xukuno kala duwan ugu jiray xabsiga degmada Baydhabo.

Madaxweynaha ayaa amar ku bixiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan xabsiga looga siidaayo Maxaabiistaan oo tiradooda lagu sheegay 11 ruux.

Sababta loo cafiyay maxaabiista ayaa lagu shegay inay tahay ka hortaga xanuunka dilaaga ah ee Coronavirus, kaas oo Soomaaliya ugu dhinteen laba ruux oo midkood ahaa Xildhibaan ka tirsan Maamulka Hirshabeelle.

Xeer-ilaalinta Gobolka Bay ee Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa la amray in ay xabsiga ka siidayso Maxaabiistaan oo horay loogu xukumay dambiyo kale duwan.

Halkaan hoose ka akhriso Warqada

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email